Doorashooyinka > Ku saabsan doorashooyinka > Warbixin ku saabsan magaalada Melbourne

Warbixin ku saabsan magaalada Melbourne

Magaalada Melbourne waa degmo firfircoon oo daboolaysa 37 kiiloomitir oo laba jibbaaran oo leh 11 xaafadood oo ballaadhan, mid walbana leh sifooyinkeeda gaarka ah iyo baahiyaha – laga soo bilaabo degaannada magaalooyinka dadku ku badan yihiin, sida degmada ganacsiga dhexe, iyo meelo badan oo la deggan yahay, sida Kensington. Carlton iyo qayb ka mid ah Koonfurta Yarra.

Dadkeena waxaa ku jira 154,000 degane, oo ay ku jiraan 768 dadka Aborijiniska ah (xogta Tirakoobka ABS ee 2021). Waxaan soo dhaweyneynaa ku dhawaad hal milyan oo booqasho maalinle ah, oo ay ku jiraan dalxiisayaal iyo shaqaale. Magaaladayadu aad ayay u kala duwan tahay dhaqan ahaan. In ka badan kala badh dadka deggan waxay ku dhasheen waddamo kale - shanta waddan ee ugu sarreeya ee ay ku dhasheen waa Hindiya, Shiinaha, Ingiriiska, Vietnam, iyo New Zealand, ku dhawaad kala badh dadka degganna waxay ku hadlaan luqad aan Ingiriisi ahayn guriga.

Ku saabsan Golaha Magaalada Melbourne

Maamulka dawlada hoose ahaan, magaalada Melbourne waxay diirada saartaa marin u helka iyo ka mid noqoshada bixinta adeegyo balaadhan oo kala duwan dadka deegaanka, ganacsiyada, iyo booqdayaasha, oo ay ku jiraan horumarinta dhaqaalaha, adeegyada qorshaynta iyo dhismaha, daryeelka sanadaha hore, maaraynta qashinka iyo khayraadka iyo samaqabka , adeegyada bulshada iyo madadaalada. Goleyaasha deegaanka ayaa maamula oo bixiya adeegyada dawladda hoose ee taageera bulshada.

Golaha Magaalada Melbourne waa hay'adda dawladda hoose ee ka mas'uulka ah degmada Melbourne. Koonsilku waxa uu ka kooban yahay Lord Mayor, ku xigeen Lord Mayor iyo sagaal xildhibaan.

Koonsilku waa hay'adda go'aan ka gaadhaysa ee dejisa jihada istaraatiijiyadeed iyo siyaasadda degmada. Waxay bixisaa afarta sano Qorshaha Golaha, kaas oo qeexaya waxa Goluhu ku guulaysan doono muddada afarta sano ah ee uu jiro si loo horumariyo himilada bulshada; iyo Qorshaha Sannadeedka iyo Miisaaniyadda, kaas oo qeexaya ujeedooyinka muhiimka ah iyo hawlaha Golaha ee 12 bilood kasta.

Ogow wax badan oo ku saabsan Golaha.

Khariidadda magaalada Melbourne

Khariidaddani waxay tusinaysaa xuduudda degmada Melbourne. Waxa kale oo aad arki kartaa ama soo dejisan kartaa a nooca daabacan (PDF 533 KB) ama sawirka (JPG 1 MB) ee khariidadda xadka.

Khariidadda degmada Melbourne.
Magaalada Melbourne - bogga hore