Wakiilka shirkadda

Haddii aad matasho shirkad ama shirkad hanti ku leh ama kireysata magaalada Melbourne, waxaad ka codayn kartaa doorashooyinka golaha.

Haddii aad mar hore iska diiwaan gelisey shirkad ahaan ama wakiil shirkad ahaan, waxaa laga yaabaa inaad mar hore isdiiwaangelisay laakiin waa inaad hubisaa diiwaangelintaada.

Haddii aad ku qoran tahay, uma baahnid inaad wax sameyso. Xidhmada cod bixinta ayaa boostada laguu soo diri doona marka ay gaadho wakhtiga codaynta.

Haddii aadan diiwaan gashanayn ama aadan hubin inaad ku qoran tahay, waxaad wici kartaa kooxdayada Taageerada doorashooyinka Magaalada Melbourne 1300 735 427 ama iimayl doorashooyinka@melbourne.vic.gov.au

Si aad u bedesho faahfaahinta ama u diwaangeliso wakiilada shirkadda, fadlan buuxi foomamka/yada soo socda ee khuseeya: 

Magaalada Melbourne - bogga hore