Doorashooyinka > Isdiiwaangelinta si aad u codayso > Horaan ma u diiwaan gashanaa?

Horaan ma u diiwaan gashanaa?

Haddii aad 18 jir tahay ama ka weyn tahay, aad u diiwaangashan tahay inaad ka codayso doorashooyinka dawladda Victoria ama Australia oo aad ka codaysay doorashooyinkii Golaha Magaalada Melbourne ee u dambeeyay, waxay u badan tahay in aad hore ugu diiwaan gashanayd si aad u codayso doorashooyinkan.   

Haddii aad u soo guurtay magaalada Melbourne afartii sano ee la soo dhaafay, waxaa laga yaabaa in aan lagugu qorin inaad ka codayso doorashooyinkan - waxaad u baahan tahay inaad hubi diiwaangelintaada.

Haddii aad tahay muwaadin Australian ah oo aad ku nooshahay magaalada Melbourne, waxaad xaqiijin kartaa inaad isdiiwaangelisay markaad booqato Bogga internetka ee guddiga doorashada Victoria

Haddii aad ku qoran tahay, uma baahnid inaad wax sameyso. Xidhmada cod bixinta ayaa boostada laguu soo diri doona marka ay gaadho wakhtiga codaynta.

Magaalada Melbourne - bogga hore